Xarunta laanta socotada ee ciidanka Booliiska oo maanta la dhagax-dhigay

0
16

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa dhagax dhigay xarunta laanta socotada ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee kutaalla magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhiga xaruntan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin iyo Saraakiil Kale.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in xaruntan ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed u qaban jirtay hawlo muhiim ah oo ay kamid yihiin dhinacyada wacyi galinta, iska warqabka ciidanka, ka hortaga rabshadaha iyo howlagallada deg-deg ah, iyada oo hadana dib u dhis balaadhan lagu samayn doono, si ay kor ugu qaado shaqada Laanta socotada ee Ciidanka Booliska.

Xaruntan maanta la dhagax-dhigay ayaa aheyd goob lagu kala badalo ciidamada booliiska Soomaaliya, xaruntan ayaana ka shaqeyn oo bur bursaneyd sannadihii lasoo dhaafay, waxaana maanta mar kale la dhagax-dhigay dhismaha xaruntan muhiimka u ah booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here