Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0
447

Kooxo hubeysan ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed iyo laba kamid ah kuwo u dhashay dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Kooxaha hubeysan ayaa rasaaseeyay Gaari uu watay muwaadinka Soomaaliyeed xilli uu marayay Xaafadda Cravenby oo 7km u jirta Xaafadda Soomaalida Bellville ee Magaalada Cape Town, waxaana rasaasta ku dhintay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Maxamuud oo ku magac dheeraa Biibaaye.

Sidoo kale rasaasta ayaa waxaa ku dhintay Wiil Dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika gaarigana la saarnaa muwaadinka Soomaaliyeed iyo Haweeneey wadada mareeysay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay Goobta uu falka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen kooxihii ka dambeeyay dilka saddexda qof, kuwaas oo baxsaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here