Madaxweyne Vladimir Putin oo Saxiixay Wareegto lagu Kordhinayo Tiradda Ciidamadda Ruushka

0
49

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay wareegto lagu kordhinayo tirada ciidamada Ruushka 15%.

Ilaa 170,000 ayaa lagu dari doonaa tirada shaqaalaha u adeegaya marxalado, taasoo ka dhigaysa wadarta 1,320,000.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay hanjabaadaha sii kordhaya oo ay ka mid yihiin balaarinta Nato.

Ruushka ayaa loo malaynayaa in uu khasaare ba’an ka soo gaaray dagaalka ka socda Ukraine in ka badan sanad iyo bar, inkastoo aysan soo saarin tirooyin.

Bayaanka wasaaradda difaaca ee Ruushka oo lagu daabacay website-ka Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in tirooyinka la kordhin doono si tartiib tartiib ah iyada oo loo marayo dadaal shaqaaleysiin ah, oo aan lagu abaabulin ama isbeddel lagu sameyn doonin askareynta.

“Kordhinta tirada shaqaalaha ee ciidamada qalabka sida ee Federaalka Ruushka waxaa lagu hirgeliyaa marxalado, iyadoo lagu saleynayo muwaadiniinta muujinaya rabitaan ah in ay qaataan adeegga milatariga qandaraas,” ayay raacisay.

Waxay sharraxday kororka “kor u kaca ciidamada wadajirka ah ee [Nato] ee u dhow xudduudaha Ruushka” iyo hanjabaadaha la xidhiidha “howlgalka milatari ee gaarka ah”, taas oo ah sida Ruushku u qeexayo dagaalka Ukraine.

Nato ayaa dhawaan la balaariyay iyadoo lagu daray dalka Finland oo xuduud dheer la leh Ruushka. Iswiidhan waxay kaloo codsatay inay ku biirto.

Isbahaysiga ayaa sheegay in Ukraine ay ku biiri karto “marka shuruudaha la buuxiyo”, inkastoo aysan bixin waqti cayiman. Ukrain kuma biiri karto Nato inta ay weli dagaal kula jirto Ruushka.

Horaantii Khamiista Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku baaqay xoojinta iyo difaaca adag ee jiidda hore ee Ruushka, iyadoo heerkulka gobolka uu hoos uga dhacay qabowga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here