SAWIRRO:-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo heshiisyo is-afgarad ah kala saxiixatay Machadka Tabbabarada ee Kenya (Kenya School of Government) iyo Xarunta Caalamiga ah ee Daraasaadka Qiimaynta iyo Horumarinta

0
48
Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Siciid Nuur oo hawlo shaqo u jooga magaalada Nairobi ayaa heshiisyo is-afgarad ah la kala saxiixday Machadka Tabbabarada ee Kenya (Kenya School of Government) iyo Xarunta Caalamiga ah ee Daraasaadka Qiimaynta iyo Horumarinta.
Qodobada ugu waaweyn ee heshiisyadan ayaa waxaa ka mid ah: bixinta tabbabaro kor loogu qadayo aqoonta howlaweedanada kormeerka iyo qiimaynta heer federal iyo dowlad goboleed intaba, samaynta daraasado iyo cilmi baaris dhinaca kormeerka iyo qiimaynta ah, Diyaarinta manhajka barashada Kormeerka iyo Qiimaynta iyo ugu danbayntii in Wasaarada, Machadka iyo xaruntu ay yeeshaan kulamo joogta ah oo lagu xoojinayo wada shaqaynta.
Heshiisyadan ayaa ah kuwo kaalin wayn ka cayaaraya daddaalada casriyeeynta iyo dib u habaynta hannaanka Kormeerka iyo Qiimaynta dalka oo ay hormuudka u tahay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here