SAWIRRO:- Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiir-uDowladaha Arrimaha Dibadda oo Muqdisho kulan kula qaateen Guddiga Gaarka ah ee Howgalka Nabadeynta QM

0
48
Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS mudane Cali Cumar Balcad ayaa la kulmay Guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan Dowlada Fadaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.
Mas’uuliyiinta DFS ee kulanka ka qayb galay ayaa warbixin ka siisay wafdiga, horumarka laga gaaray la dagaalanka Argagixisada iyo doorka taageero ee muhiimka ah ee Ciidamada ATMIS iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka geesteen Dagaalka xoreynta dalka.
Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigay dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshayaasha ku aadan horumarinta laamaha Amniga iyo la wareegidda amniga guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here