SAWIRRO:- Guddoomiyaha Golaha Shacbiga oo Maanta Shir-Guddoomiyey Kulanka 5-aad ee Guddiga Joogtada ah

0
39
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa shir guddoomiyay kulanka 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Kulanka maanta ayaa looga hadlay dardar gelinta ajandeyaasha horyaala Golaha Shacabka iyo sidii loo ajandeyn lahaa shuruucda kala duwan oo ay soo gudbiyeen guddiyada Golaha Shacabka iyo Hay’adda Fulinta ayaa looga dooday sida ugu haboon ee loo hor keeni lahaa fadhiyadda Golaha. Sidoo kale kulanka ayaa aad looga dooday howlaha hortabinta u leh shaqooyinka Golaha Shacabka BJFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here