Ra`isul Wasaaraha Israa`iil oo Maanta Kulan la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka

0
53

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isna soo saaray bayaan ka dib markii uu maanta magaalada Tel Aviv kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

Waxa uu soo hadal qaaday weerarkii lagu hoobtay ee saakay ka dhacay magaalada Quddus  kaas oo ay Xamaas sheegtay in ay fuliyeen xubnahooda. Netanyahu waxa uu sheegay in ay tahay isla Xamaas kuwa isku dayaya in ay meel walba nagu dilaan.

“Waxaan ku idhi: Waan ku dhaarannay, inaan baabi’inno Xamaas, waxba nagama joojinayo.”

Netanyahu waxa uu sheegay in uu Blinken u sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto dagaalka ilaa ay ka gaadhayso “saddexda yool”, kuwaas oo uu yidhi waa: “In la sii daayo dhammaan lahaysteyaasheena, gebi ahaanba baabi’inta Xamaas iyo in aan hubinno in khatar sidan oo kale ah aanay mar dambe ka imanayn Qasa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here