Xildhibaanadda Baarlamaanka oo kulan ku leh Muqdisho

0
76

Waxaa xarunta Villa Hargeysa ka socota kulan xasaasi ah oo ay golaha shacabka ka yeesheen wax ka bedel lagu sameeyay qaabka ay u dhacday hadal-heenna saacadihii lasoo dhaafay.
Cumar Abshirow, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Cabdulaahi Soomaaliya oo guddoomiyay fadhigan ayaa meesha ka saaray inuu xilligasii dhacay Mooshinkan oo ay ku doodeen xildhibaanno qaar.
“Mooshinkan waqtigiisu ma dhicin, kalfadhigii hore ayay ahayd in la keeno laakiin waxaa ka xirmay kalfadhiga sidaas darteed waxaan difaacannay in Xildhibaanada ay ku qancaan. Mooshinka maanta go’aan lagama gaarin balse laga dood” ayaa ka yiri madasha.
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Firinbi) ayaa mamnuuc ku tilmaamay shaxda wax ka bedelka loogu sameeyay dastuurka, waxa uu sheegay in lamid ah Farmaajo uu ula dagaalami doono madaxweyne Xasan hadey mudo kororsi u weecdaan.
“Mooshinkan wax ka badalka dastuurka sharci ma ahan, waa xaaraan mana xeer dastuurka, sida muuqata in uu horgal u yahay [muddo kororsi] sharci daro ah. Hal sano ayaan joogay aniga oo ku maqnaa kororsi diidayo. Haddi ay daruur keeneyso waa in loo maraa habraaca saxda ah” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.
Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa sheegay in xilligaan uu hordhac u yahay doorka la rabo in lagu soo saaro xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo looga dhigayo sida loo raba mudo kororsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here