SAWIRRO:- Guddoomiyaha Hay`adda Maareynta Musiibooyinka Qaran iyo Wafuud kale oo gaaray Magaaladda Kismaayo

0
83
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland maalinta Isniinta ah ee todabaadkaan waxaa ka furmaya shirweynaha Madasha Gargaarka Dalka.
Maanta magaladaas ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, qeybna ka yihiin wasiirrada gargaarka dowladd goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug iyo xubno kale.
Ujeedka wafdigaan ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Gargaarka Dalka, kaas oo ay ka qeybgalayaan, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, guddoonka hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Wasiirrada Gargaarka Dowladd Goboleedyada iyo wakiillada beesha caalamka.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland mudane Axmed Xasan Cumar ayaa garoonka diyaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey wafdigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here