Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maanta si Rasmi ah Xilka Kala Wareegay Farmaajo.

0
297

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud kadib munaasabad balaaran oo lagu qabtay xarunta Villa Soomaaliya. Munaasabada oo eheyd mid si weyn loo soo agaasimay waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sar sare oo ay kamid yihiin gudoonada laada Aqal ee baarlamaanka, Xildhibaano, taliyayaasha ciidamada, Siyaasiyiin iyo marilti sharaf kale.

Labada madaxweyne ayaa goobta ka jeediyay hadalo u badnaa soo dhaweyn iyo sagootin, iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo sidii dowladnimda dalka loo xoojin lahaa.

Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub u balan qaaday inuu kala shaqeyn doono gudashada waajibaadkiisa qaran, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo xilka culus ee dusha laga saaray.

“Madaxweynow aniga ka ahaanteyda waan ku garab taaganahay waxaan kaa ballan qaadayaa inaan garab kuugu siiyo heer walbaba Insha allah waxaan kuu rajeyneynaa inuu Ilaahey kuu fududeeyo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ku amaanat Farmajao sida uu xil isaga saaray qurxinta munaasabadan, wuxuuna tilmaamay in lagu waeeejiyay dhamaan dukumintiyadii madaxtooyada oo uu mid mid u akhrin doono.

“Madaxweynuhu si tartiib ah oo nidaam ah ayuu iigu wareejiyey xilka dukumintiyaasha iyo mashaariicda feylasha waa weyn oo Madaxweynuhu ka hadlay oo dhan waan la wareegay tartiib ayaa dib dib ugu aqrin doonaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here