Xaaladda Magaaladda Dhuusomareeb oo degan kadibb Dagaal ka dhacay shalay

0
33

Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug ayaa degan ka dib markii shalay ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay ku guuleysteen ilaa iyo xalay in ay ka saaraan Ahlusunna deegaanada u dhow magaalada halkaasi oo ay ka dagaallameen shalay galinkii dambe.

Boqolaal qoys oo habeen hore ka qaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda qorsheynaya in ay dib ugu soo laabtaan magaalada oo ay ka maqnaayeen ku dhawaad 24 saac.

Ahlusunna wali wax war kama soo saarin duulaanka ay ku qaaday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ee shalay balse looga itaal roonday sida Galmudug ay sheegtay.

Dhammaadkii bishii October 2021kii ayaa xooggaga Ahlu Sunna waxaa laga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here