Wasiiradaha Arrimaha Dibadda NATO iyo Dowladaha Sweden Iyo Finland oo Maanta Kulmaya Magaaladda Baarliin

0
41

Dowladaha Sweden iyo Finland ayaa galinka dambe ee maanta uga qeyb galaya shir aan rasmi ahayn oo wasiirada arrimaha dibadda ee Ururka Gaashaabuurta Nato ku yeelanayaan magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka.

Inkastoo aysan xubin ka ahayn xulafada militariga reer galbeedka, labada dal ayaa la filayaa inay dalbadaan xubinimada si ay uga jawaabaan duulaanka Ukraine, sidaas darteed waxaa lagu casuumay inay ka soo qaybgalaan kulanka.

Moscow ayaa sheegtay in ay khatar u arki doonto labada dal ku biiritaanka isbahaysiga. Waxay soo afjaraysaa tobanaan sano oo dhexdhexaadnimo ah oo ay Sweden iyo Finland ku lahaayeen ilaa dagaalkii qaboobaa.

Turkiga, oo xubin ka ah Nato, ayaa sidoo kale ka qaybgalaya shirka maanta.

Laakin Jimcihii, waxay noqotay dalka kaliya ee xubnaha ka ah ee ka dhawaajiyay inay ka soo horjeedaan Sweden ama Finland inay xubin ka noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here