Madaxweynaha Maraykanka oo soo dhaweeyey Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Ururka Koonfur-Bari Aasiya

0
139

Mareykanka waxaa ka go’an inuu ku hawlan yahay Wadamadda Koonfur-bari Aasiya, Madaxweynaha Dalka Maraykanka Joe Biden ayaa yiri, isagoo soo dhaweynaya shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha 10-xubnood ee Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEA) ee Washington, DC, oo ah “xilli cusub” xiriirka.

Isagoo ka hadlayay maalintii labaad ee kulanka labada maalmood ah, Madaxweynaha Marakanka Joe Biden ayaa waxa uu u sheegay hogaamiyayaasha Jimcihii in “waa taariikh aad u weyn oo adduunkeena ah 50-ka sano ee soo socda ayaa lagu qori doonaa wadamada ASEAN”.

“Xiriirka aan kula leenahayna waa mustaqbalka, sanadaha soo socda iyo tobanaan sano,” ayuu yiri.

Shir madaxeedkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee madaxda ASEAN lagu casuumo Aqalka Cad muddo 45 sano ah. Sannadkii 2016-kii, Madaxweynihii hore ee Maraykanka Obama ayaa waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee martigeliya shirka, ka dibna lagu qabtay Rancho Mirage, California.

“Waxaan bilaabaynaa xilli cusub, waa cusub – xiriirka Mareykanka iyo ASEAN,” ayuu yiri Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here