Guddiga Isku Dhafka Labadda Aqal ee Baarlamaanka oo baaq u diray Musharaxiinta

0
48

Guddiga isku Dhafka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha in ay usoo gudbiyaan Musharax kaste halka  qof ee codadka u tirinaya doorashada berri ka dhici doonto teendhada Afisiyooni.

Baaqa Guddiga ayaa siddaan u qornaa:

Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.

Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda
FG: Waqtiga kama dambaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here