Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo Bandow Ku soo rogay Muqdisho

0
30

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa Bandow Caawa ka bilaabanaya ku soo rogay Magaalada Muqdisho isla markaana ku eg maalinta Isniinta ah xili doorashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya lagu wado in maalinta beri ah lagu qabto Magalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed  ayaa sheegay in sababta Bandowga loo soo rogay ay tahay xaqiijinta ammaanka doorashada Madaxweynaha iyo in laga hortaggo in ay dhacaan falal amni daro.

Waxaa uu sheegay in ciidanka booliska heegan buuxa la galiyay, islamarkaana ay xiri doonaan dhammaan wadooyinka caasimadda.

Waxaa la ogeyn isku socodka dadka iyo gaadiidka xaafaddaha qaar ee Magaaladda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here