Dab qabsaday Dhismo Afar Dabaq oo Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Dalka Hindiya

0
40

Wararka ka Imaanaya Dalka Indiya ayaa sheegaya in uu Dab qabsaday dhismo afar dabaq ah oo ku yaalla magaalada Delhi, waxaana ku dhintay ugu yaraan 27 qof ugu yaraan 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka degdegga ah.

In ka badan 70 qof ayaa ku sugnaa dhismaha markii uu dabku billowday, waxaana booliiska ay jabiyeen daaqadaha, waxayna isticmaaleen xadhko si ay dadka u badbaadiyaan.

Ilaa 20 matoorada dab damiska ah ayaa loo adeegsaday daminta dabka ka kacay meel u dhaw saldhiga metro ee Mundka ee galbeedka caasimada India. Wareeg gaaban ayaa loo malaynayaa inuu dabka ka kacay. Warbaahinta India ayaa ku warameysa in labo ruux la xiray.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here