Ciidamadda Ruushka oo Isaga Baxay Deegaan hoostaga Magaaladda Kharkiv ee Dhanka Xadka Ruushka

0
34

Duqa magaalada Kharkiv, Ihor Terekhov, ayaa sheegay in Ciidamadda Ruushka ay isaga baxeen deegaanka Kharkiv ee dhanka xadka Ruushka.

Waxa uu sheegay in ciidamada Ruushka ay mar kaliya ku guuleysteen inay galaan qayb yar oo ka mid ah magaalada muhiimka ah ee waqooyi-bari, oo aysan halkaas joogin muddo dheer.

“Ruushka waxay si joogto ah u duqeeyeen Kharkiv sababtoo ah waxay ku sugnaayeen meel aad ugu dhow magaalada. Dadaalka difaaca dhulalka Kharkiv iyo ciidamada qalabka sida ee Ukraine awgeed, Ruushku waxay ka baxeen meel ka fog magaalada oo ku taal jihada xadka Ruushka.” ayuu yidhi.

“Hadda magaalada Kharkiv way degan tahay, dadkuna si tartiib tartiib ah ayay magaalada ugu soo noqonayaan, waxaanu siinaynaa biyo, gaas iyo koronto dhammaan muwaadiniinta, si kastaba ha ahaatee, nasiib darro, dhismayaal badan oo la dego ayaa burburay, markaa mustaqbalka waxaanu heli doonaa in dib u dhis ballaaran lagu sameeyo.

“Ma jirin wax duqeymo ah oo ka dhacay magaalada shantii maalmood ee ugu dambeysay, waxaa jiray hal isku day oo kaliya oo ay Ruushka ku doonayeen inay gantaal ku garaacaan magaalada meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Kharkiv, balse gantaalka waxaa meesha ka saaray difaaca cirka ee Ukraine.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here