Ciidamadda Gor-Gor oo Dagaal kula Wareegay Deegaan ay Maamulayeen Ahla-Suna Waljameeca

0
42

Ciidamada Gor-Gor ayaa  dagaal kula wareegay Deegaanka Sangooye oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda la baxday Ahlusunna ee shalay laga saarey Dhuusamareeb.

Saraakiisha ciidanka Danab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saaka ay ku qaadeen ciidanka Ahlusunna, waxaana ay sheegeen in ay ku qabsadeen gaari Cabdi-bile ah iyo sanaad kale.

Ciidanka Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ay ku sii jeeday deegaanka Bohol oo ah Saldhiga ciidanka Ururka Ahlusunna ee ay kasoo weeraran magaalooyinka Galmudug.

Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug ayaa degan ka dib markii shalay ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhaxeeyay Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here