Ciidamadda Dowladda oo Howgalo qorsheysan ka Fuliyey Gobalka Shabeellaha Hoose

0
42

Ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal qorheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada ayaa si gaar ah howlgalka kaga fuliyay degaanada kala ah Masiireey, Jameeco Jiliyaale iyo Baladul Amiin oo dhammaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Howlgalkan ayaa sheegeen in Al-Shabaab, oo doonayay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, islamarkaana ay ka qaadaan waxay ugu yeereen Sakawaad oo ah baadda xoolaha shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada oo baaritaan ka sameeyay degaanadaas ayaa gacanta ku soo dhigay labo ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkii ay siteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here