Madaxweyne Ku-Xigeenka Maamulka Hirshabeelle oo si Kulul ugu Jawaabay Hadalkii ka soo Yeeray Wasiirka Arrimaha Somalia

0
104

Madaxweyne ku-Xigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si kulul ugu jawaabay hadalkii ka soo yeeray Siyaasiyiintii uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar, kuwaas oo ka soo horjeestay Ciidamadii shalay dowladda Soomaaliya ay geysay Magaalada Beledweyne.

Yuusuf Dabageed oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Beledweyne wuxuu sheegay in siyaasiyiintaas ay yihiin kuwo kuraas raadis ah, isla marlaana u hadli karin dadka Reer Hiiraan waxna u qaban.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamadii shalay dowlada geysay Beledweyne ay iyaga dalbadeen si ay ula dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa beeniyay in Ciidamada la geeyay Beledweyne in loo keenay boobka doorashada Golaha Shacabka doorashada taalla Magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here