Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Gaaray Magaaladda Kismaayo

0
112

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Xubnaha Guddiga heer dowlad Goboleed ee Jubbaland oo uu horkacayo Gudoomiyaha Guddiga Dr. Siyaad Maxamed Mursal iyo Xubno kale.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo xubnaha kale ee lasocda ayaa Kismaayo u tegay sidii ay xog ogaal uga noqon lahaayeen doorashada Kuraasta lixda ah ee ay xalay jadwalka doorashadooda shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland

Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa kulamo kala duwan oo lagu dardargalinayo howlaha shaqo ee doorashooyinka la qaadan doona xubnaha Guddiga doorashooyinka Dowlad Goboleed Jubbaland.

Maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here