Dowladda Soomaaliya oo ku gacan seertay go,aankeedii ahaa in la joojiyo howlgalka la dagaalanka burcad badeedeeda

0
45

Golaha Ammaanka ee QM ayaa ogolaaday Qaraar ay gudbisay Dowladda Mareykanka kaasi oo Waqti Dheerad ah loogu daray howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya iyo ka hortaga Xaalufinta kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Qaraarkaan farqadiisi 7aad ee ku xusan heshiisyada QM ayaa ogolaanaya in si awood ah loo fuliyo, iyadoo laga hortagayo burcad badeeda iyo kuwa Xaalufka ku sameeya biyaha Soomaaliya.

Qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka QM ayaa loogu baaqay Wadamada ka qeyb qaadanaya inay iskaashi ka sameeyaan macluumaadka sirta ah ee horseedaya in laga hortago burcad badeednimada iyo in la weeraro Doomaha iyo Maraakiibta Ganacsatada u raran ee adeegsanaya biyaha Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa ugu baaaqay Dowlaha xubnaha ka ah Howlgalka Atlantikada ee la dagalanka burcad badeeda Soomaaliya iney xogaha howlgaladoodi la wadaagi karaan Saraakiisha Soomaaliya.

Mudo 3 bil oo dheeri ah ayaa lagu kordhiyay howlgalkaan oo soo bilowday sanadkii 2011kii.

Soomaaliya oo sanadkaan dalbatay in gabi ahaanba la joojiyo howlgalkaasi ayna ku filan yihiin ciidamada badda Soomaaliya ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay ka hortimid qaraarkaasi  waxana la qaatay go,aan ah in meeshii sanad loogu kordhin jiray hada lagu soo koobo muddo 3bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here