Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Caawa ee Guriceel

0
52

Waxaa Maanta degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka dhacay dagaal ilaa Caawa soo gaaray, kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Dabaqa Erkolle, Sheekh Salaad Xeydar, Xero Birmad, ilaa jaamacadda, waxaana jirin horumar ay dhinacyada dagaalka ka gaareen.

Warraka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid egan, hayeeshee Ciidamadu ay isku hor-fadhiyaan Isbitaalka Cubeyd iyo Dabaqa Erkolle waana dhulka u dhaxeeya laamiga iyo Jaamacaadda oo ah Saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Ahlusunna.

Xaaladda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ah mid aan wanaagsaneyn, waxaana markasta la filan karaa inay dhinacyad dagaalamaan maadaama ay  ay weli ishor-fadhiyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here