Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Ceelwaaq

0
59

 

 

Qarax miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay xarunta maamulka degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

Qaraxaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Hoolka Xarunta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa xilliga uu ka dhacayay waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada ee Jubbaland, kuwaas oo ku waxyeeloobay qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba kamid ah askarta xarunta ku sugneyd, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Ceelwaaq.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan hase yeeshee ururka Alshabaab ayaa badanaa qaraxyada noocan oo kale ah marwalba sheegta.

Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay degmada kaliya ee Gobolka Gedo ay ka joogaan Ciidanka Jubbaland, waxaana ku wehliya kuwa Kenya ee katirsan AMISOM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here