Faah faahin laga helayo Dil ka dhacay Jalalaqsi

0
67

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku dileen Nin u Shaqeeynayay mid kamid ahbHay’adaha samafalka ee ka howlgalla degmadaas.

Ninka oo lagu Magacaabi jiray Cabdalla Maxamed Maxamuud, waxaana dilkiisa uu ka dhacay degmada Jalalaqsi, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilka ay baxsadeen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo dilay Ninka u Shaqeeynayay Hay’adda Samafal, waxaana wararka qaar ay sheegayan in loo dilay aano qabiil, halka wararka kale ay sheegayaan in loo dilay gargaar uu qeybinayay.

Ciidamada Booliska degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay wadaan baaritaano la xiriira sidii gacanta loogu dhigi lahaa dadka ka dambeeyay dilkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here