R/W;Rooble & Qoorqoor oo caawa kulan yeeshay

0
43

 

 

 

 

 

Kulan Saacado badan qaatay una  dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa goordhaw soo dhamaaday waxaa lagu xaliyay Khilaaf ka dhex taagnaa labada masuul.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Galmudug bilaabay dadaaladii waan waanta ee laga dhex waday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo xilligaas loo arkayay in aanu dhexdhexaad ahayn oo uu dhinac la safnaa.

Waxaa lagu eedeeyay in uu diiday in Rooble lagu taageero kulankii Madaxda maamul Gobaleedyada

Dhinacyo kala duwan oo isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa ku dhaliilayay Maadaxweyne Qoorqoor inaanu doorkiisii saxda ahaa qaadanin, laakiin hada sida muuqata howshaas ay ka heshiiyeen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here