Akhriso; Farmaajo oo Guddi u magacaabay Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahiil

0
40

 

 

Qoraal goordhow kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax uu u Magacaabay Guddi Qaran.

Guddiga oo ka kooban Shan Xubnoid ayaa waxaa hoggaaminaya  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Warqadda kasoo baxday Xafiiska Villa Somalia ayaa waxaa kujirta in Agaasimaha NISA uu soo Magacaabayo Xubin kamid ah Guddiga, iyada oo ay jirto in Agaasimaha NISA ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay Farmaajo diiday, isla markaana uu Agaasimaha NISA uu u magacaabay Yaasiin Fareey oo ah Taliyaha Ciidanka NISA ee Gobolka Banaadir.

Guddigaan uu Madaxweyne Farmaajo u saaray Kiiska baaritaanka  Ikraan Tahliil ayaa kusoo aadaya xilli kiiskaan uu khilaaf ka dhex dhaliyay Farmaajo iyo Roible, isla markaana Qoyska Ikraan ay dalbanayaan Cadaalad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here