Booliska Kenya oo ka hadlay xariga falanqeeye Cabduwahaab

0
41

Booliska dalka Kenya ayaa waxaa ay shaaciyeen inay billaabeen baariraanka kiiska Cabduwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah falanweeye, kaas oo dhawaan la afduubtay muddo dhowr maalmood ahna maqan.

Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, oo la kulmay  Hoggaanka Muslimiinta Kenya ayaa ballan-qaaday baaritaanno lagu xaqiijinayo
halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab
Sheekh Cabdisamad ay billaabeen, isla markaana ay rajeeynayaan inay heli doonaan halka uu ku dambeeyay.

“In ka badan 48 saacadood tan iyo afduubkii Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, waxaan dib ugu laabaneynaa Bartamaha Ganacsiga ee Nairobi oo ku teedsan wadada Turbman oo markii ugu
dambeysay lagu arkay ayuu yiri” George Kinoti.

Warbaahinta Kenya gaar ahaan  telefishinka Citizen, ayaa shaaciyay in falan qeeye
Cabdiwahab  goobt uu kunsugnaa uu kula kulmay
dad aan la garanayn “kuwaas oo ku qasbay
inuu raaco gaari qafilan oo ku sii jeeday
dhanka degaanka  Muindi Mbingu Street, sidaasina lagu afduubtay.

Dhamaan hoggaanka Sare ee Muslimiinta
Kenya iyo kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa ay raadinayaan markhaatiyaal, sida arrinta loo cadeeyo, hayeeshee Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa sheegay in muddo  7 maalmood gudahood ah uu jawaabo ku heli doono halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Ehellada  Cabduwahaab oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin Afduubkiisa, iyaga oo sheegay inay ku tuhmayaan in uu ka dambeeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here