SAWIRO:-Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo degaan la wareegay

0
63

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay wehlinayaan Ciidamada degaanka ayaa saakay la wareegay degaan dhinaca galbeedka beegan degaanka Shabeelow, halkaas oo ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Ciidamada la wareegay degaanka ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug  Janeraal Maxamed Nuur Cali Gadaar, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo saraakiil kale.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Al-Shabaab ka hor inta aysan ka bixin degaanka lala wareegay ay duugeen Ceelbiyoodkii halkaas ku yaalay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ay howlgallo miino baris ah ka wadaan degaanka ay la wareegeen oo dhinaca Galbeed ka xiga degaanka Shabeelow ee Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here