Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo booqday askar ku soo dhaawacantay howlgallada ka socda Hiiraan “SAWIRRO”

0
52

 

 

 

-Madaxweyne Ku Xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta booqday dhaawacyada ciidamada qalabka sida ee ku soo dhaawacmay dagaalada ka socda  deegaannada Ceel bacad iyo Coomaad oo ka kala tirsan Degmooyinka Buulo-burte iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa booqday isbitaalada Digfeer, Somali Sudanes, Madiino iyo Xoogga Dalka oo lagu dabiibayo ciidankan kuso dhaawacmay dagaal ay kula jireen  Al-Shabab.

Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad, Ciidanka Booliska Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan sida ay isaga kaashadeen ka hortagga la dagaalanka Alshabaab

Madaxweyne Ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa u duceeyay dhaawacyada ku jira isbitaallada magaalada in Ilaahay caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo dhanka kale ballan qaaday in ay sii laba laabi doonaan hawlgallada ka dhan ah  Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here