Guddoomiye Mursal oo Xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Xaqiijinta qoondada Haweenka (SAWIRRO)

0
66

 

 

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha guddiga oo ay hoggaamineysay Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ah guddoomiyaha guddiga.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Xaabsade.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan guddiga, sidoo kale waxa uu ku biiriyay talooyin ku saabsan sida lagu xaqiijin karo qoondada haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here