Guddiga Baarlamaanka Galmudug ee doorashada Aqalka Sare oo doortay Guddoomiye cusub

0
67

 

Guddiga qabanqaabada doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Galmudug ee dhawaan uu magacaabay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ayaa kulankii ugu horreeyey oo ay yeesheen ku doortay guddoonka gudddiga.

Guddiga ayaa cod gacan taag ah Guddoomiye ugu doortay Cabdiwahaab Maxamed Axmed, halka guddoomiye ku xigeenka loo doortay Cabdirixiin Axmed Cigaal, sidoo kale xoghayaha Guddiga ayaa noqday Xildhibaan Yaasiin Maxamed Cabdiraxman.

Guddiga Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ee uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa diyaarin doona qabashada doorashada Aqalka Sare, iyagoo la shaqeynaya guddiga doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here