(Akhriso) W/Q; C/raxmaan C/shakur Warsame

0
54

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ahna Muaharax Madaxweyne  C/raxmaan C/shakuur Warsame  ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiida Fecbook Wuxu kaga hadlay Talaabada uu Qaaday R/W Rooble Kadib Marku xil ka qaadis ku sameeyay saraakiil sare oo ka tirsan Hay;ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee NISA QOraalka Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame aya u QOrnaa sidan

 

Waa ku mahadsanyahay RW Rooble tillaabada uu ugu hiilliyay sarreynta sharciga. Sharciga oo lagu tuntaa waxey macna tirtaa dowladnimada. Agaasimahii hay’adda socdaalka, maareeyihii iyo taliyihii garoonka waxaa ka awood badnaa wiil ka tirsan hay’adda Nabadsugidda.

Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho leh ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka.

Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here