Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Amray in laso xiro askari dil ka geystay Magaalada Baladweyn

0
63

 

 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Amar ku bixiyay in la soo xiro askarigii 11-kii bishaan xili Habeen ah Afaafka hore  ee Saldhiga Booliska Beledweyne ku dilay Cabdinaasir Cabdullaahi Afrax oo kamid ahaa Dhalinyarada Beledweyne.

Guddoomiye Jeyte ayaa xilliga uu marka bixinayay waxaa uu kulan la qaatay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isqaax, Gudoomiye kuxigeenka Amaanka Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdala Inji iyo Xubno ka tirsan CID-da ama Danbi Baarista.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa faray Taliyaha Booliska in uu soo xiro askarigii falkaasi geystay, sidoo kalena hay’daha qaabilsan baarista danbiyada uu ku amray in ay sameeyaan baarintaan dhab ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here