Guddiga Musuqmaasuqa oo war kasoo saaray Guddiyada Doorashoyinka iyo Ergooyinka

0
67

 

 

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa ayaa lagu sheegay in guddiga uu ka hortagi doono in musuqmaasuq lagu sameeyo doorashada lagu wado inay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Guddigan u xilsaaran la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa ka digaya ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka, taas oo carqaladeyn ku ah xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay.

Qoraalkan ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in fursadaha ololaha doorashada la doonayo inay noqdaan kuwo ay u siman yihiin dhammaan musharaxiinta oo ay ku jiraan musharrixiinta haweenka iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha la hayb sooco.

Guddiga waxa kaloo ay tilmaamay in ay ka hortagi doonaan haday dhacdo Musuq maasuq in ay qaadi doonaan tilaabooyinka ugu haboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here