W/Q” PROF COOTEEY ; CALI GAROOB IYO GEED YAHUUD ISMA LAHA

0
95

 

 

 

 

DR’ maxamed cali shiikh cabdi Dr Cooteey waa Qabiir ku taqasusay dhanka Beeraha Wuxu Bartiisa  Fecbook Maqaal  Dheer kaga qoray Geedka Soomaalida ay ugu Magacdareen CALI GAROOB AMA GEEDYAHUUD

Dr’ Cooteey aya ku micneeyay in Magacaasi uusan hal geed eheyn

HALKAN KA AQRISO MAQAALKA

 

CALI GAROOBKA IYO GEED YAHUUDKA=======

Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Benaadir ayaa soo qaban-qaabisay dood cilmiyeed taariikhdu markey ahayd 27.09.2018 oo ahaa mid aad u xiise badan, waxaana ka qeyb qaatay aqoonyahano wax ka dhiga Jaamacadaha dalka qaarkood iyo khubaro ku taqasusay arrimaha beeraha iyo deegaanka oo ka howlgala heyado maxali ah iyo kuwo caalami ah oo muddo dheer ka soo shaqeynayey mashaariicdii dhinaca beeraha ee dalka laga fuliyey.

Waxaa dood cilmiyeedkas si weyn loogu faaqiday, taariikhda geedkan, xiliga la soo geliyey Somalia, faa’iidooyinkiisa hababka ugu haboon ee looga faaiideysan karo iyo sida looga gaashaaman karo dhibaatooyinka uu wato.

Qaar ka mid ah khubaradii ka qeyb qaatay Dood cilmiyeedkan ayaa sheegay in geedka Cali garoobka magaciisa cilmiga ah uu yahay (Prosopis Juliflora) halkii ugu horeysay ee caalamka lagu arkayna ay ahayd Koonfurta qaarada Amerika boqolaal sano ka hor, waxayna intaa ku dareen geedkan uu yahay mid adkeysi badan oo ku baxa cimilo walba inkastoo uu aad ugu fiican yahay dhulka kuleylaha ah.

Daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday sida khubaradu sheegeen in geedkan xididiisa ay dhulka hoos u galaan 30-35 mitir si uu u helo biyo iyo macaadin ku filan taasoo sababtay inuu adkeysi u yeesho abaaraha iyo roob la’aanta.

Khubarada ayaa intaa ku daray in Geedkan uu ku fiday meelo badan oo caalamka ka tirsan haba ugu badnaatee dalalka India iyo Australia, markii ugu horeysayna sanadkii 1950-kii uu Somalia keenay nin ingiriis ah oo la oran jiray Dawsan kaasoo ku beeray degaanka Buloxaar oo Magaalada Berbera ku dhow, iyadoo sanadkii 1980kii ay Koonfurta Somalia keentay heyadda FAO, si ay uga faaiideystaan Qaxootigii ka dhashay dagaalkii 1977, iyadoo sidoo kalena loo adeegsaday bacaad-celintii dowladii Kacaanku ka sameysay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Geedkan faaiidooyin badan oo aan la soo koobi karin ayuu leeyahay, dhakhso ayuu u baxaa, mar walba waa cagaar, xoolaha mirihiisa cuna wey ka caano iyo hilib badan yihiin kuwo kale, xitaa isagoo qoyan dhuxul ayaa laga dhigan karaa, tiirar wax lagu dhisto ayaa laga sameeyaa, waxaa loo adeegsadaa, bacaad celinta iyo difaaca degaanka wuxuuna ka hor tagaa Nabaad guurka Waxaa sidoo kale la sheegay magacyo kala duwan oo degaanada Soomaalida looga yaqaano geedkan sida Cali garoob, Geed Yuhuud, Garan-waa, keligii noole iyo kuwo kale, waxayna khubaradu waxba kama jiraan ku tilmaameen feker qaldan oo keenay in Soomaalida qaarkood ay geedkan ula baxaan (Geed Yuhuud), iyagoo xusay in geedkan uusan aheyn kii uu Nabigu NNKH sheegay inuu qarinayo Yuhuuda marka ay la dagaalamaan Muslimiinta xilliga Aakhiru zamaanka ama dhammaadka dunida. Geed Yahuudka waxaa la yiraahdaa magaciisa cilmiga Nitraria retusa af carabigana الغرقد waa geed ka mid ah geedaha u adkeysata biyo yaraanta kana baxa dhulalka qalalan ee kala duwan.

ذُكِر الغرقد في السنة النبوية الشريفة على أنه شجر يهودي، سمي كذلك لأنه وكما جاء في الحديث الشريف عنأبو هريرة

أن

رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:

لا تقوم الساعة حتى يقاتل المسلمون اليهود فيقتلهم المسلمون حتى يختبئ اليهودي من وراء الحجر والشجر فيقول الحجر و الشجر يا مسلم يا عبد الله هذا يهودي خلفي فتعال فاقتله إلا الغرقد فإنه من شجر اليهود

وهو ما يعني أنه في حرب أرمجدون أن اليهودي إذا ٱختبئ وراء أي شجرة ستفضحه إلا الغرقد لأنه شجرهم

SIDAAS DARTEED CALI GAROOB IYO GEED YAHUUD ISMA LAHA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here