Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka

0
117

 

 

 

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada  Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Kulankan ayaa looga  wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka Amniga iyo Bini,aadanimada.

Madaxweyne Guudlaawe oo kulankaan la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka IGAD  ayaa uga warbixiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo sida ay ugu diyaar gaoowday Dowlad Gobaleedka  Hirshabeelle isagoo cadeeyay inay qaban doonaan doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda, sidoo kale waxa uu kala hadlay Howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabab ee ka socda Magaalooyinka Hirshabeelle waxa uuna soo jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan Ciidamada Amisom.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalada Beesha Caalamka ay la garab taagan tahay Somaliya isagoo ka codsaday in la garab istaago oo loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle lagana wada shaqeeyo xal u helida aafooyinka fatahada iyo in la hirgaliyo biyo xireeno.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka, Amniga iyo Arrimaha Bini’aadanimo iyagoo cadeeyay in Dowladda Hirshabeelle ka caawin doonaan xal u helida fatahaadaha iyo caawinta arrimaha bini’aadanimada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here