Maamulka Gobolka Banaadir & Taliyeyaasha Ciidamada oo ka shiray Amniga Muqdisho

0
373

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Miqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa looga  hadlay Amniga Guud ee Caasimada iyo u diyaar garowga Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo oo dhawaan ka bilaabanaya magaalada muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar xasan oo kulanka faah fahin guud ka bixiyay ayaa sheegay in sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada muqdsho iyo wada-shqeynta Ha’adaha Amniga iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulanka diidara lagu saaray sidii loo joogteyn lahaa kulamada looga hadlayo amniga si loo adkeeyo amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here