Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8aad oo maanta balcad lagu soo gaba gabeeyay

0
40

Imtixaanka Fasalka Sideedaad ee Dugsiga Dhexe Ayaa Maanta Usoo Gabab gaboobay Ardayda Wax kabarata iskuulada Degmada Balcad iyo Deegaanada Hoosyimaada Degmada

imtixaanka Dugsiga Dhexe oo Ay Qaadeyso Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Ayaa Sanadkan Waxaa Degmada Balcad Ufariisatay ilaa iyo Shan Boqol oo Arday Ah iyadoona Qeyb Ay Ka Ahaayeen Arday Kakala timid Deegaanada Kala Ah Qalimow Garas bintow Carafaag Geed Faqi oo Dhamaantood Hoosyimaada Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

Qaar Kamid ah Ardayda Kakala yimid Tuulooyinka Hoosyimaada Degmada Balcad oo Lahadlay Warbaahinta Ayaa Kahadlay dareenkooda Ku’aadan Gabagabada Imtixaanka Dugsiga Dhexe oo Ay Ufadhiyeen iyagoona Rajo Wanaagsan Kamuujiyay in ay Guulo Lataaban Karo Ay Kasoo Hoyi Doonan natiijada imtixaanka islamarkaana  Ay Rajeenayaan in Kaalimaha ugusareya Ay Gali doonaan

Ugu Dambeyn Wasiir’udowlaha Wasaarada Waxbarashada Hidiha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Mudane Abukar Xasan Abuukar oo Soo Xeray imtixaanka Fasalka Sideedaad ee Dugsiga Dhexe Ayaa Ardayda Kula Dar daarmay in Dadaalkooda Ay sii Laba Jibaaraan Madaama Hada Ay Garaacayaan Albaabki Wax barashada

Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Wasiir’udowlaha Wasaarada Waxbarashada Hirshabeele Waxa uu kahadlay Qaraxii Shalay Kadhacay Afaafka Hore ee Dugsiga Sare Degmada Balcad oo Ay Kujireen Arday Fara Badan islamarkaana Ufadhiyay imtixaanka Dugsiga Dhexe isagona sheegay in Qaraxaasi miinada Ah ee Shalay kooxda Argagixisada Ay Kudoonayeen in Ay Kudhibaateeyaan Ardayda yar yar ee imtixaanka ufadhisay in uusan Wax saameyn Ah Kuyeelan Ardayda iyo masuuliyiinti kusugneyd Goobta Balse Hal Askari oo Katirsanaa Ciidamada Booliska ee ilaalada Ka ahaa Goobaha Imtixaanka Lagu Galayo kaa oo Xaladiisa Caafimaad Lagula Tacaalayay mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here