Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay todobaadka xorriyadda

0
329

 

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda dalka Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay guddiga in ay hortaalo howlo balaaran oo ay ugu horeyso diyaarinta iyo weyneynta xuska 61-guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee 26-ka Juun. Midowga Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luulyo.

“Waxaan rabnaa inaan si weyn u weyneyno waa 61 guuradii ka soo wareegtay markii la saaray calan Soomaaliyeed oo ugu horeysay 26-ka Juun iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur iyo xornimadii Gobollada Koonfureed marka la isku wada darro, munaasabadaas oo dhan 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waxay noqon doonaan, maalmihii xoriyadda, maalmihii Qaranka oo runtii inoo ah maalmo sumad gaar ah inoo leh, Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto’. Ayuu yiri Wasiir Dubbe

Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada todobaadka xoriyadda ayaa xusay in wada hadallada dowladda  Federaalka iyo Somaliland ay meel fiican soo gaareen, isla markaana ay jireen in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi ay kulmeen muddo labo jeer ah, iyagoo isla meel dhigay arrimo badan, shacabkuna ay kalsooni badan ku qabaan in wada hadalada lagu guuleysto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here