Musharax Guuled oo sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo natiijada Shirka Golaha wadatashiga Qaranka

0
496

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Sahan ahna musharax madaxweyne mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ku qabo natiijada kasoo bixi doonta shirka loo ballansan yahay 20ka bishan.

“Shirka loo madlan yahay 20ka bisha oo ah shir ay dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha  Caalamkuba ka dhursugayaan inuu soo afmeeri doonno khilaafaadkii iyo kala aragti duwanaashahii hareeyay qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, shirkaas ayaan waxaan u rajeynayaa inuu guuleysto, ayna ka soo baxaan go,aano horseedi kara in dalku ay ka dhacdo doorashadii mudada dheer la sugayey” ayuu yri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxaan rajeynayaa in dadaalada Ra’iisul wasaare Rooble iyo xukuumaddiisa ee ku aadan najaxinta shirkaas iyo qabashada doorasho hufan ay mirro dhalaan.

Anigoo dhicyadeena oo idilna ku boorinaya in la muujiyo dabacsanaan iyo tanaasul suurto galin kara qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo hufnaanteeda. ayuu hadal kiisa sii raaciyay mudane Cabdikariim Xuseen Guulleed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here