Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cambaareeyay Qaraxi Saldhigga Booliska Waaberi

0
312

 

 

Ra”iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay weerrarkii kooxda  Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Booliska Degmada Waaberi

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisada ahaa ee lagu   qaaday  saldhigga degmada Waaberi. Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inta ku dhimatay qaraxa Alle uga baryay in uu u naxariisto, dhaawacyadana Allle bogsiiyo.

Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu haynin  dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here