Madaxweyne Qoorqoor oo dib ugu laabtay Casimada Dhuusamareeb

0
238

Madaxweynaha maamulka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhusamareb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xirsi, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Qoorqoor ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Dhammaan Madaxda maamulada ayaa dib ugu laabtay Magaalooyinkii ay ka yimaadeen, waxaana lagu waddaa in 20-ka bishaan ay dib ugu soo laabtay Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here