Garsoore ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda oo lagu dilay Muqdisho

0
287

Kooxo hubeysan ayaa degmada Hodan ku dilay Garsoore ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.

Garsoorahan oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Cabdi Maxamed Bagadi ayaa xalay lagu dilay xaafada Taleex.

Dableyda dilka geysatay ayaa baxsatay, iyadoo markii dilka dhacay kaddib ay ciidamada amniga goobta gaareen.

Wasaaradda Cadaaladda oo war qoraal soo saartay ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuumka, iyadoo looga tacsiyadeeyay ehelada iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Al-Shabaab ayaa loo badinayaa inay ka dambeysay dilkaan, waxaana bishan Ramadaan ay kordhiyeen falalka dilalka ee khaarijinta ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here