Xisbiga Himilo Qaran ayaa utacsiyadeeyay, garab istaagna u muujiyay waalidka carruurtii maanta ku geeriyootay daadadka roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Alle ugu baryay inuu badal kheyr qaba iyo simmir ku irsaaqo qoysaskaan kulana dardaarmay in ay samir muujiyaan.
Xasan Abdullahi Gacal oo 5 carrruur ah ku waayay musiibada, Aadan Jabriil Sheekh oo 3 carruur ah ka geeriyootay iyo waalidka 3 carruur ah oo hooyadood cisbitaal la dhigay ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee dalka iyo Xisbiga Himilo Qaran.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu gaartay maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan wuxuuna ugu baaqay dowladda inay wax ka qabato sababaha keenay in daadadku ku rogmadaan xaafadaha shacabku deggan yahay.