Dalka Britain oo ka mid ah wadamada ay ku noolyihiin Soomaalida u badan dadka qurba joogta ah ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay doorashahadii golayaasha deegaanka ee dawladaha hoose.
Soomaalida ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey iska sharaxaysay baddiba xisbiyada siyaasada ee ku yaala dalkan Britain gaar ahaan xisbiga Shaqaalaha ee loo yaqaano labourka ahna xisbniga mucaaradka ugu weyn, siddoo kale xisbiyada Konservativeka oo ah kan iminka talada haya iyo xisbiyo kale oo ay ka mid yihiin the Green Party ayey Soomaali badan iska soo sharxdey.
Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa guulo badan kasoo hooyey doorashaooyinkan, Safiya Saeed oo loo yaqaanno Safiya Barbaraawi waxay ka tartantay xaafad ku taala magaalada Sheffield ahna degmooyinka ay Muslimiinta iyo Soomaalidu ku badan yihiin, Tiradii ugu badneyd ayey ku guuleysatey, Safiya Saeed