Puntland oo ka shirtay u diyaar garoowga sugida Amniga Maalmaha Ciida

0
387

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Axmed Cimi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee  maalmaha Ciida.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Cadaaladda, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Axmed Cimi Cismaan Karaash ayaa faray dhamaan laanaah Amniga ee Maamulka Puntland inay dardar geliyan howlaha sugida amniga inta lagu guda jiro Maalmaha Ciida.

Degannada Puntland ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu diyaar garoobayo Maalmaah Ciida Soonfureed, waxaana laamaha Amniga Maamulkaas la geliyay heegan ku aadan sugida amniga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here