Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland Madax ka tirsan QM?

0
299

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee degaannada Puntland Guy Griffin.

Kulanka oo looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Sidoo kale wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in looga hadlay wadashaqeynta Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Puntland, sidoo kale sidii Qaramada Midoobay kaalin weyn uga geeysan laheyd caawinta dadka uu saameeyay roobkii ka da’ay degaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaarayaasha aan kasoo muuqan todobadyadii la soo dhaafay ayaa bilaabay kulamo kala duwan, waxaana sidoo kale la filayaa in Maalmaha soo socda uu madax kala duwan kala hadlo Arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here