Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah dowlada Qatar Dr Mutlaq Bin Majer Al-Qahtani.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka guddoomay farriin gaar ah oo looga siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, kaasoo uu siday Dr Mutlaq Bin Majer Al-Qahtani oo ah Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada iyo xalinta khilaafaadka.
Hase yeeshee lama faahfaahin fariinta la gaarsiiyay Madaxweynaha Kenya waxa ay ku saabsaneyd,waxaana sidan oo kale ergeygan uu u gaarsiiyay Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo fariin uu ugaga sidey siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.
Dowlada Qatar ayaa laga yaabaa inay dhexdhexaadin ka dhex bilowdo labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu meel xun marayo.
Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa booqasho booqasho dhowr cisho qaadatay ku tagay magaalada Muqdisho oo uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaradka.