Waxaa goordhow la qaaday ciidankii badbaado qaran ee ku sugnaa qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo degmada Kaaraan.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tagay goobihii ay ku sugnaayeen ciidanka, waxaana la qaaday dhufeysyadii yaallay goobtaasi.
Waxaa uu sheegay Rooble in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallau looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda.
Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii heshiis lagu gaaray arbacdii iney xeryaha ku laabtaan muddo 48 saac gudaheed ah